About HTC

Ku Soo dhowaada Kolleejka Sancada ee Hennepin!

Soodhowaada
Kolleejka Sancada ee Hennepin waxey xoogga saartay sidey ku abuuri lahayd jawi waxbarasho ah ee ardada siiya awood ay dhinacooda wax ku kordhiyaan mujtamaca maalinba maalinta ku xigta sii noqda mid leh dhaqama kala duwan. Waxaan ardada waayaarignimada kala duwan ku dhiirrigelineynaa iney isku soo qoraan HTC. Waxaan baalkaan ku samaynay luqado kala duwan si dadka aan afkooda kobaad ahayn Ingiriisi ay ka hawlbilaabaan HTC. Fadlan xasuuso: baalkaan waa mid hordhac ah; maaha mid loogu talagalay inuu noqdo meesha ay wax bilayaan ardada rabta iney kolleejkaan dhigtaan. Faahfaahin dheeraad ah ee ku taxluuqa kolleejka, barnaamijyada iyo adeegyadaba waxaa laga helaa ayadoo dugsiga la soo booqdo lalana kulmo lataliyaha dhaqamada duwan .

Waa Maxay Kolleejka Sancada ee Hennepin?
Kolleejka Sancada ee Hennepin waxey bixisaa waxbarasho tababar toos leh ee lagu shaqadoonto. Kolleejku waxey bixisaa shahaadoyin aad u kala duwan, warqado aqoonsi iyo taqasusyo xagga qaybaha sancada ah. Kolleejka Sancada ee Hennepin waxey ku taala meelo dhow sida Brooklyn Park iyo Eden Prairie. Si tifatiran u fiiri HTC Maps and Locations page. Ardada waxey basaska ay dadka qaataan u raaci karaan labada kulleejba key rabaan.

Kulleejka Sancada ee Hennepin waxey bixisaa 45 barnaamij ee laga helo manhajyadaan kala duwan:
  • Ganacsiga iyo Kombiyuutarka (Business and Computers)
  • Dhismaha iyo Guryaha (Construction and Building)
  • Dhirta iyo Aburista Geedaha (Floral and Landscaping)
  • Caafimaadka (Health)
  • Warshadaha iyo Elegtonikada (Manufacturing and Electronics)
  • Warbaahinta (Media Communications)
  • Adeegyada (Service)
  • Gaadiidka (Transportation)
  • Barnaamijyada laga bixiyo HTC waxaa caadi ahaan lagu dhammeyn karaa laba sano ama ka yar. Ardada waxey aadi karaan si buuxda, si nusan, ama maada ayey marba qaadan karaan. Fasallada waxaa la qaataa dharaarta ama habeenka. Faahfaahinta barnaamijyada laga bixiyo HTC, eeg (Qaybta Manhajyada iyo Xirfadaaha) Majors and Courses section.

    Kolleejku wuxuu rabaa iney ardada ku guuleystaan duruustooda, sida awegeed HTC waxey dhamaan ardada oo idil ay qaataan Imtixaamka Tijaabada. Imtixaamka Tijaabada maaha mid lagu dhacayo ama lagu gudbayo. Waxaa lagu cabbiryaa imtixaamo asaasi ee xisaab iyo laysliyo aqris ee kugu caawinaya inaad qaadatid fasallada kugu habboon ay isleedahay waad la qabsan kartaa kulleejkana guul kaga gaartid. Faahfaahin dheeraad ah booqo Placement Testing page (Imtixaamka Tijaabada). Kaddib markuu imtixaamka tijaabada dhammeysto arday waliba wuxuu kulan la yeelanayaa lataliye. Lataliyaha ayaa dib u eegaya natiijada imtixaamkaaga wuxuuna kaala hadlaya waxbarashada iyo muraadkaaga. Waxey kaloo ku sheegayaan sida lagu helo aqbaar ku saabsan adeegyada bilaashka ee waxbarashada kaa caawiya iyo daryeelka Itaaldarrida, iyo xitaa ururada kala duwan ee ardada student clubs and organizations.

    Waa sahlantahay si looga hawlbilaabo HTC. Tillaaboyinkaan fudud raac:
    1. Weydiiso warqadaha aqbaarta
    2. Soo booqo rugta kulleejka
    3. Buuxi arjiga kulleejka lagu dhiganayo
    4. Dalbo Caawimaada Waxbarashada
    5. Dhigo ballan aad ku qaadatid imtixaamka tijaabada
    6. Kulan la yeelo lataliye
    7. Fasallada isku qor
    Ardada Caalamka iyo kuwa Ingiriisiga baranaya
    HTC waxey soo dhoweyneysaa ardada cusub iyo taransfeerka ee ka socda caalamka. Hadda HTC waxaa dhigata arday ka socota 25 waddan oo kala duwan. Meesha ay ardada caalamka ka heli karaan, iyo waxyaabaha layska rabo waa ayaga oo eega internetka International Student Admissions Page.

    HTC waxey bixisaa qorshaha ELL (Barashada Luqadda Ingiriisiga). Qorshaha ELL waxey ardada ka caawineysaa daraasooyin Ingiriisiga lagu barto iyo sidii loogu diyaarin majhadka iyo meelaha ay danaha ka leeyihinn iney waxbarshadooda ku jeedo. Daraasooyinka Waxbarashada Guud (General Education), Horumarinta (Developmental), iyo ELL waxaa laga helaa baalka jadwalka fasallada HTC Course Schedule Page.

    Bixinta Qarashka Kulleejka
    HTC waxey leedahay mid ka mid ah qarashka ugu jaban ee waxbarashada ku kaca ee deegaanka iyo in kulleejku uu ardada u soo bandhigo fursado badan oo laga caawiyo sidey kulleejka isaga bixin lahaayeen. HTC waxey arday badan u fidisaa caawimaada waxbarashada, deyn iyo deeq waxbarasho. Kulleejku wuxuu kaloo bixiyaa shaqo la xiriirta waxbarashada taasoo u furan ardada raba iney ka shaqeeyaan rugta ay kulleejku ku taallo inta asyan fasallada iska xaadirin ama marka ay fasallada soo dhammeystaan. HTC Financial Aid (Deeqda Waxbarashada ee HTC) waxey kaloo bixisaa qorshe laysaga bixiyo qiimaha waxbarashada. Haddaad su’aalo ku taxluuqa qarashka waxbarashada, fursadaha lacag bixinta, ama qaannunnada la xiriira bixinta biiilasha, fadlan soo booqo waaxda ah Tuition and Fees area.

    Isku Qorista Fasallada
    Isku qorista fasallada waa mi fudud. Waxaan rabnaa inaan ku caawino. Isku qorista fasallada waxaa lagu dhammeyn karaa internetka ama haddey tahay markii kuugu horreysay ee aad kulleejka isku qoreysid, waa inaad shaqsi ahaan aad isku soo xaadirisaa. Qaanuunnada la xiriira isku qorista, qanuunnada iyo qaabka iyo aqbaarta ku taxluuqda taariqaha isqorista, fadlan soo booqo interneta qeybta HTC Registration area.

    Haddaad u baahantahay aqbaaar dheeraad ee ku taxluuqda kulleejka, fadlan na soo wac, waan rabnaa inaa ku cawiino. Telefoonnada waaxyaha kala duwan hoos ayey ku yallaan.

    Waaxda Telefoon Nambarka
    Baqshadda Codsiga Aqbaarta (BPC) 763-488-2450
    Baqshadda Codsiga Aqbaarta (EPC) 952-995-1452
    Ballamada Latalinta (BPC) 763-488-2547
    Ballamada Latalinta (EPC) 952-995-1450
    Imtixaamka Tijaabada (BPC and EPC) 952-995-1545
    Lataliyaha Dhaqamada kala Duwan (BPC) 763-488-2410
    Lataliyaha Dhaqamada kala Duwan (EPC) 952-995-1440
    Isqorista (BPC) 763-488-2580
    Isqorista (EPC) 952-995-1460
    Caawimaada Waxbarashada (BPC) 763-488-2491
    Caawimaada Waxbarashada (EPC) 952-995-1471
    Nambarka Telefoonka Dhexe 952-995-1300

    Ku soodhowaada Kulleejka Sancada ee Hennepin Technical College waxaana diyaar la nahay adeegyo idinku caawiya wixii aad waxbarashada uga baahantihiin.

    Contact HTC at 952-995-1300 or info@hennepintech.edu

    Copyright © 2009 by Hennepin Technical College